Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Caafimaadka

Cudurka faafa ee galmada

La daabacay torsdag 10 maj 2012 kl 10.52
Sawirle:Anneli Lindbäck/Sveriges Radio.

Tirada cudurada lagu kala qaado galmada ee loo yaqaan Klamydia ayaa kor u kacday sannadkii tagay ee 2011 marka loo eego sannadkii ka horeeyay ee 2010.

sidaas waxa sheegtay hayada ka hortaga cudurada faafa ee loo yaqaan Smittskyddsinstitutet.

Sannadkii tagay ee 2011 ayaa la diwaan galiyey tiro gaadhaysa 37 290 qof oo uu ku dhacay cudurkaasi, taaso la odhan karo in ay tahay kor ukac boqolkiiba 1.3 marka loo eego sannadkii 2010.

Faafinta cudurkan ayaa ah mid saamayn ku leh dhamaan da'da kala duwan, marka laga reebo dhalaanka da'doodu u dhaxayso15-19 sanno, kuwaaso la sheegay in ay hoos u dhacday boqolkiiba lix dhanka gabdhaha, halka wiilashana ay hoos u dhacday boqolkiiba 13.

Hayada ka hortaga ayaa soo dhawaysay in ay dad badani iska tijaabiyaan aalada internetka.

TT.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".