Abdiqani Jama' oo ku guulaytay in uu ku qanciyo bangiyada in ay Rinkeby ka furaan bankomat. Foto Warsame Elmi

Rinkeby oo loo balanqaadey bankomaatyo cusub

Abdikani oo ku guulaystay olalahiisa bankamat
4:46 min

Waqti dheer dadka Rinkeby waqooyiga Stockholm ku nool waxay dhib ku qabeen bankomat la'aan xiliga habeenkii ah. Degmada waxaaa ku yaal hal bankmat oo lacag laga la baxo, asna waxa uu ku dhexyaal suuqa dhexdiisa. Marka suuqa xiranyahay dadku ma haystaan meel ay lacag kala baxaan. Lakiin arintaas waxaa si weyn uga gilgilshay Abdiqani Mohamed oo hada soo degay degmadaas. Waxa uuna bilaabay olale iyo baritaan uu ku ogaanayo hadii bangi ogalaado in uu ka hirgeliyo bankomat xafadda, in macaamiisha Rinkeby u soo wareegsanayaan adeegooda bangigaas. Jawaabtuna waxay noqotay boqolkii 90 haa. Waxuuna hada Abdiqani ku guulaystay in uu helo balanqaad ah in shan bilood ee soo socota laga hirgelinayo Rinkeby labo bankomaat oo cusob.

Sida ay noo xaqiijiyeen shirkada iska leh Suuqa Rinkeby "Fastpartner" iyo shirkad ay ku bahoobeen afarta bangi ee weyn oo la yiraahdo Bankomat AB, waxaa jira qorsho ay doonayaan in Rinkeby laga hirgeliyo labo bankomaat lakiin weli waxaa lagu gudo jiraa ka baaraan degida arintaas oo laga yaabo in ay qaadan doonto dhowr bilood.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".