Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Maxkamadii abid ee muqaadaraadka kookaahiinta

La daabacay torsdag 10 maj 2012 kl 15.04
1,4 tan oo kokahin ah, suuqana ka joogta bilyano, ayaa laga helay guriga 56- jir Swedhish bad mareen ah. Sawirle: Lotta Jarlsdotter/Scanpix.

Maanta ayey maxkamad ku taal magaalada Stockholm ay dhagaysan doontaa dacwad lagu soo oogay niman loo haysto in ay wadankan Sweden soo galiyeen nooca muqaadarada ee loo yaqaan Kookaahiinta.

Nimankan ayaa loo haystaa in ay soo galiyeen dalkan Sweden iyo wadama ka mida qaarada Yurub tanan badan oo noca muqaadaraadkaas ah.

Muqaadaraadkan ayaa laga soo qaadi jiray dalka Colombia, sida u dacwad ooguhu sheegay muqaadaraadkan ayaa suuqa ka joogay qiime gaadhay dhawr bilyan oo ah lacagta Iswiidhishka.

Marka ugu horeysa waxa dacwad laga dhagaysan doona nin jira 56 sanno oo la filayo in uu muqaadaraadka ku soo xambaari jiray dooni u leeyahay oo ah nooca bada dhex mushaaxa, kana soo talaabin jiray bada weyn ee Atlanta.

Nin kale ayaa jira oo ah ninka loo haysto in u yahay maskaxda ka dambaysa muqaadaraadkan, ninkaaso ah nin bileysku yaqaanaan oo hore u ahaan j iray raga bangiyada dhaca, jirana 39 sanno. Ninkan ayaa la sheegay in u degenaan jiray dalka Spain, halkaaso u ku haysto maalkiisa oo lagu qiyaaso milyanaad.

Ninkan ayaa dhawr jeer lagala baxay xabsiga, taaso maanta keentay in amaanka maxkamada aad loo sugo.

Maxkamada ayaa la joojiyey kadib markii ay rubuc saaco socotay, sababtoo ahna markii u 39 jirkan maxkamada la hor keenay diido in u ka jawaabo suaalaha la waydiiye.

TT.

Kasim.abdulkadir@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".