Duqa gobalka Skåne oo la fadhiya dhallinayro ka socota ururka Somalilands föreningen. Foto: Aida Al Akrawi/Sveriges Radio

Boqor tooyada Sweden oo biladsharaf siisay urur soomaaliyeed

Boqor tooyada oo bilad sharaf siisay Somalilands föreningen
1:58 min

Urur Somaaliyeed oo la yiraahdo Somalilandsföreningen kana jira magaalada Malmö ayey boqortooyada Sweden gudoonsiisay 40 000 oo koron oo ah bilad sharaf. Bilad sharafkaan dhaqala ku baxa waxaa laga fangareeya qasnad dhaqaale ee ay leedahay boqortooyada dalkaan oo la yiraahdo Konungens Jubileumfond.

 Qasnadaan dhaqaale ayey boqortooyada dalkaan ugu tala gashay in ay ku taagerto caruurta iyo dhallinyarada dalkaan iyo sidoo kale cilmi baarista.

Jama Ismail oo ah gudoomiyaha Somalilandsföreningen ayaa ka waramaya dareemahiisa la xiriira bilad sharafkaan ururkiisu ka helay boqor tooyada dalkaan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".