Swedbank Arena.

Saraakiil iyo siyaasiyiin la xukumi doono

Xukun maxkamadeed ayaa maanta ku dhici doona lix nin oo loo haysto musuqmaasuq. Lixdan nin ayaa waxa ka mida saraakiil siyaasiyiin ah. Musuqmaasuqan ayaa salka ku haya dhisida garoon kubadeed oo laga dhisayo degmada Solna ee ku taal Stockholm.

Maxkamadan maanta ridi doonta xukunka ayaa ahayd mid soo jiidatay indhaha dad badan maadaamo ay la xidhiidho dhisida garoonka qaranka ee kubada cagta oo laga dhisayo degmada Solna.

Dhismahan ayaa noqday mid u ku xeeranyey musuqmaasuq ay ku jiraan dadyoow saraakiil iyo siyaasiyiin isugu jira.

Maanta ayey maxkamadu xukun ku ridaysaa lix nin.

Dhaaman lixdan nin ayaa dafiray dambiyadaas lagu soo oogay, balse khatar ugu jira in lagu rido xukun gaadhaya lix sanno oo xadhig ah.

Lixdan nin ee dacwada lagu soo oogay ayaa waxa ka mida Agaasimihii hore ee degmada -Sune Reinhold, oo lagu eedeeyay musuq maasuq kadib markii u laaluush gaadhaya 900 000 - oo kun oo karoon ka qaatay  shirkada qandaraaska ku qaadatay dhisida garoonkan.

Markii ay maxkamadu dhamaatay dhamaadkii bishii maarso, ayaa dacwad ooge Alf Johansson ka dalbay maxkamada in lixdan nin saddex ka mida xabsi loo diro.

Lixdan nin ayaa kala ah:

- Sune Reinhold: Agaasimihii hore ee degmada Solna  ( xilka iska casilay  2011).

- Erik Paulsson: Gudoomiye wax weyna ku leh shirkada dhismaha ee Fabege och Peab.

- Lars-Erik Salminen: Hore uga ahaan jiray xildhibaan degmada Solna (Is casilay 2011).

- Anders Elfner: Hore u ahaan jiray ku xigeenka madaxa shirkada dhismaha ee Peab.

- Lennart Daleke: Madaxii ugu horeeyay shirkada dhisaysa garoonkan  Arenabolaget.

- Christian Alexandersson: Madaxa shirkada Swedbank Arena iyo  Arenastaden

Ekot / TT

Kasim.abdulkadir@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista