Dacwad ardayda muslimiinta

Dacwad loo gudbiyey hayada Iskuulada

Dacwadan ayaa salka ku haysa ka soo horjeedka in gabdhaha muslinka ah lagu qasbo ka reebida ardayda loo kaxeeyo waxbarashada habeen dhaxa inkastoo hore heshiis u dhexmaray ururada muslimiinta iyo maamulka degmada Jönköping.

Ururka dacwadan gudbiyey ayaa magacooda la yidhaa ha ilaawin Pela iyo fadumo - Glöm aldrig Pela och Fadime:

Hadaba Virpi Hellmark oo ka tirsan ururkaas ayaa sheegtay in gabdhaha la rabo in laga takooro bulshada.

- waxa weeyee kaantarool la saarayo gabdhaha, lana xadidayo xoriyada caruurta, laguna xadgudbayo xaquuqda u taal caruurta ee qaramada midoobay, taaso ah mid cad in ilma kastaaba u helo fursad u ku dhisto mustaqbalka u doonayo. balse halkan waxaad mooda in ururada muslimiintu la galeen heshiis degmada si ay yagu waxay doonayaan ka horaysiiyaan tan caruurta, ayeey sheegtay Virpi Hellmark

Heshiiskan lala galay ururad muslimiinta ee degmada Jönköping ayaa bilaabmay sannadkii 1994, sida u xaqiijinayo madaxa waxbarashada ee degmadaasi Stefan Rapp,

- Sidan ayaanu samaynay kadib markii waalidiin badani ay caruurtooda ka reebeen ardayda kale ee u baxaysa waxbarashada dibada ee habeen dhaxa ah, si markaas ay caruurtu uga qayb qaadato ayaanu isku daynay in aan sidan sameeyno ayuu sheegay, Stefan Rapp, arinkan ayaa hoyga degmada lagu gorfeyn doona isbuca soo socda.

/ekot och P1 Morgon

Kasim.abdulkadir@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".