SAS

SAS oo diyaarado cusub iibsanaysa

Shirkada diyuuradaha ee SAS ayaa iibsan doonta todobaatan diyaaradood oo ah nooca xamuulka, todobada sanno ee soo socda, sida ay samaynayso shirkada diyaaradaha ee Norwegian air.

Qiimaha ay SAS qorshaynayso in ay ku iibsadaan diyaaradahaas ayaa gaadhaya 50 bilyan.

Warkaas waxa xaqiijiyey sarkaal ka tirsan shirkadaas waa Eivind Roald mar u la hadlayey wargeys laga leeyahay dalka norway , isagoo ku sugan magaalada Stavanger ee dalkaas norway.

Noocyada diyaaradaha ee shirkadani gadan doonto ayaa isugu jira noocyada duulimaadka oo idil. haday noqoto nooca u duula meelaha dheer iyo meelaha gaabanba.

Shirkadan ayaa sidoo kale heshiis la gashay Singapore Airline, heshiiskan ayaa lagu rajo weyn yahay in u kordhiyo wada shaqaynta duulimaadyada u dhaxeeya scandenevianka iyo Singaboor.

TT

Kasim.abdulkadir@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".