Farqiga Dhaqliga soo gala dadka dalkaan

Farqiga dhaqliga
3:03 min

Farqiga u dhaxeeya dhaqliga soo gala dadka ayaa si aad ah u kordhay dalkaan Sweden. Inta yar ee ugu dhaqliga badan dadka dalkaan oo ah boqolkii toban ayuu daqligooda kor u kacay boqolkii 76, 20-kii sanno ee ugu danbaysay. Halka inta ugu dhaqliga yarna uu kor u kacay dhaqligoodo boqolkii 7 kaliya. Sidaas waxaa muujinaya tirokoob ay soo bandhigtay SCB uuna wargeyska SVD daabacay.

Barofesar Tapio Salonen oo u kuurgala arimaha bulshada waxna ka dhiga jaaamacada Malmö ayaa u arka sida ay wax u socdaan mid welwel leh, kana digay farqiga badan. oo uu ku tilmaameyn mid dhaawici kara isku xirnaanshaha bulshada.

Warsame Elmi

Warsame.elmi@sverigesradio@.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".