Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
1 av 2
Madaxa dambi oogaha, Solveig Wollstad, Sawirle: Stig-Åke Jönsson/Scanpix
2 av 2
Sawirle: Scanpix.
Malmö

Dacwadii Peter Mangs oo ka socota Malmö

Saaka sagaalkii iyo badhkii subaxnimo ayaa albaabada loo furay maxkamaddii Peter Mangs oo ah ninka loo haysto saddex dil iyo laba iyo toban isku day dil, madaxa dacwad oogaha Solveig Wollstad ayaa guda gali doonta dhamaan qodabada dambiyada loo haysto Peter Mangs, mid ka mida dilalka loo haysto Peter Mangs ayaa ah dilkii nin jira 65 sanno oo maydkiisa laga helay Lindängen 13 bishii jun sannadkii 2003. 

Xeer ilaaliyaha ayaa ninkan ku tilmaamay in u yahay nin cidla ku nool ( Kaligiis) oon haysan wax xidhiidh dhanka bulshada ah.

Sannadkii 2007 ayaa ninkani isku dayey in u nolol la dhiso gabadh u ka bartay barta internet-ka ee xidhiidhka, gabadhaaso joogtay dalka Ruushka.

Mangs ayaa booqday gabadhan lana dhisay qorshe ah in ay Sweden ku wada noolaadaan balse qorshahaasu u ka dhicisoobay, kaaso u Mangs u arkay mid u ku guul daraystay.

Ninkan ayaa xidhiidh la lahaa qof ay soo wada koreen oo mar u la lugaynayeey sannadkii 2009 u sheegay in u toogtay, Trez West Persson.

Saaka subaxdii ayaa xeer ilaaliyuhu ka dhawaajiyey dhawr jeer sida u Peter Mangs u dhawr jeer ugu hoyday goobaha lagu xanaaneeyo dadka xanuunada maskaxdu ku dhacaan si u loo siiyo calaamada dadka qaba xanuunka loo yaqaan (asperger).

Peter Mangs ayaa la sheegay in u xidhiidh la yeeshay xafiiska (Socialstyrelsen) sii loo tirtiro qoraalada ay ka hayaan dhakhaatiirtu.

Ekot

Kasim.abdulkadir@sr.se

Kala soco halkan wixii maanta ka soo baxa maxkamada.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".