Qaareenada Peter Mangs oo kala ah Jesper Montan iyo Douglas Norking. Sawirle: Stig-Åke Jönsson/Scanpix.
Malmö

Qaareenka: Mangs cunsuri ma aha

Maxkamadii maanta ka socotay magaalada Malmö ayaa goordhawd lagu soo afjaray Malmö, iyo qareenka oo sheegay in Peter Mangs aanu ahayn cunsuri.

Qaareenka ninkan dacwada ku socoto ayaa sheegay in maxkamadani taabanayso dad badan oo degen magaalada Malmö, balse aanay jirin wax faro ama dheecaanka DNA oo dambiyada loo haysto Peter Mangs laga hayo oo cadaynaya in u dambiyadan galay.

Peter Mangs ayaa gabi ahaan dafiray dambiyadan loo haysto sida ay u dhan yihiin, sidaas waxa sheegay qaareenka Peter Mangs oo lagu magacaabo,Douglas Norking.

Douglas Norking ayaa intaas raaciyey in aanay jirin xiita wax sabab ah oo Peter Mangs u filin lahaa dambiyadan.

- Peter lamu kulmin dadyowga dhintay ama dhaawaca ah, wax xidhiidh ahina kama dhaxeen, ayuu sheegay qaareen, Norking.

Qaareenka ayaa raaciyey in ay jirto sawir been ah oo saxaafadu ka faafisay ninkan dambiyada loo haysto ee Peter Mangs.

- Peter Mangs maaha cunsiri, kamana soo horjeedo dhaqamada kale, kamana helo kooxaha neceb dhaqamada kale ama dadka cunsuriyiinta ah, ayuu sheegay qaareenku.

Qaareenada difaacaya Peter Mangs ayaa ku dhaleeceeyay dambi oogayaasha in ay soo hor dhigeen maxkamada qorshe ah in Peter Mangs oo ku daba jiray dadyowga aan u dhalan dalkan Sweden, xaqiiqda ayaa taas ka fog oo xataa haddii ay jirto cadayn sheegaysa in Peter Mangs u arinkaas sameeyay waxay noqon kartaa in u xiisaynayey macluumaadka dadka caanka ah ama dadku ka helo oo u la kulmay ama macluumaadkooda akhristay.

Qareenka ninka la haysto ayaa ka warbixiyey arinka ah in u nin ay saaxiib yihin hore ugu sheegay in u dilay, Trez West Persson.

- Wuxu ka hela Peter Mangs in u ogaado sida kala duwan ee dadka qaar u dhaqmaan, sidaas darteed ayu u sheegtay in uu dilay Trez West , taaso aan ahayn wax jira, ayuu sheegay, Douglas Norking.

Intaas ayey maanta ku dhamaatay maxkamadii Peter Mangs balse barito oo salaasa ah sii socon doonta.

Ekot

Kasim.abdulkadir@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".