Fredrik Reinfeldt. Sawirle: Anders Wiklund, SCANPIX.

Reinfeldt oo Ka Hadli Doona Mareeykanka

Ka qayb-qaadashadii ay ciidammada dalkani gacanta ku siiyeen ciidammada gaashaan-buurta Naato ee ka howl-galaayey dalka Liibiya iyada oo aanu dalkani xubin ka ahyn gaashaan-buurta Naato ayay ku saleeysan tahay qudbad uu madaxa dawladda ee dalkan Iswiidhen ka jeedin doono magaalada Chicago 21-ka bisha maajo, iyadoona lagu casumay sidii uu fikir middaa uga siin lahaa.

- Waxaan ka hadli doonaa sida la isu qabadsiin karo in go'aan lagu gaaro wada-shaqeeyn iyada oo aan ururka Naato xubin laga ahayn, sida uu sheegay Fredrik Reinfeldt oo laga casumay dalka Mareeykanka s uu uga war-bixiyo waayo-aragnimadii dalkani ka helay howlihii uu ka qeyb galay ee da
- Dalka Iswiidhen, sida aan qabo waxaa u soo hoyatay sumcad ballaaran, kadib howlihii uu gacanta ka geeystay ee dalka Liibiya, ayuu sheegay Reinfeldt mar uu la hadlayay hayadda wararka ee TT, isaga oo booqasho howleed ku marayay degmada Växsjö.

Isha: TT

                                                    kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista