Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Buuq uu Kiciyay Erayo ka soo Yeeray Reinfeldt

Wareeysi uu madaxa dawladda Fredrik Reinfeldt siiyaya shalayto hayadda wararka ee TT ayaa dhaliyay buuq iyo sawaxanno kala duwan.
- Laguma jiro xilli dalka Iswiidhen sidaa sawir looga bixiyo iyada oo lagu jiro xaalad say shaqa-la'aantu aad u sarreeyso. Haddii la eego dadyowga asal ahaan ka soo jeeda Iswiidhen ee ku jira da'aha dhexe, waxaa cad iney shaqa-la'aantu ku yar tahay, sidaa waxaa sheegay Reinfeldt.

Ereyada madaxa dawladda ayey doodo ka fureen shakhsiyaadka dooda ee garabyada bidix, halka dhiggooda ee garab-yada midigina ku difaaceen Reinfeldt in gaar ahaan tirakoobku caddeeynayo in shaqa-la'aantu ku sarreeyso dadyowga asal ahaan dalka dibaddiisa ka soo jeeda iyo dhallin-yarada.

Hogaamiyaha xisbiga Sooshiyaaldimoqoraadiga Stefan Löfven ayaa si adag uga dhiidhiyay ereyadaa, isagoona sheegay inuu qabo in Reinfeldt isku dayayo siduu uga galgalan lahaa caqabadda dalka ka aloosan ee shaqa-la'aaneed.
- Waa arrin aad looga xumaado in madaxa dawladdu uu farta si gaar ah ugu fiiqo koox bulshada qayb ka ah, una kala saaro annaga iyo iyaga, sida uu Löfven u sheegay hayadda wararka ee TT.

TT ayaa isku dayday inay xiriir la sameeyso Reinfeldt, hase yeeshee ku guul-dareeysatay, islamarkaana ka heshay warqad qoraal ah Roberta Alenius af-hayeen madaxa dawladda:

"Mucaaradka ayaa ku andacooda inay dalka ka aloosan tahay shaqa-la'aan baaxad leh, halka aan annaguna qabo iney jiraan dhibaatooyin la xiriira shaqa-la'aan qowmiyadaha kala duwan ee aan loo sineeyn iyo dhallinyarada. Luuqadda tirakoobka ayaa ilkaha ka cad.

Shaqa-la'aanta dadyowga da'doodu u dhaxeeyso 25 illaa iyo 45 ee asal ahaan ka soo jeeda iswiidhen ayaa gaarsiisan tiro dhan 3,4%, sida ay qoraalkeeda ku muujisay. Waa tirakoob laga soo xigtay bishii maarso.

Halka shaqa-la'aanta dhallin-yarada oo qaar badan ee ka mid ahi tacliin dhigtaan gaarsiisan tahay 25,5% iyo dadyowga asal ahaan dalka dibaddiisa ka soo jeeda da'dooduna u dhexeeyso 25-54 ay shaqa-la'aantu gaarsiisan tahay 14,8%.

                                                kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".