Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Xaqiiqda Afarta Hayadood

La daabacay tisdag 15 maj 2012 kl 14.29

Xaqiiq:

Baaritaanka ayaa soo bandhigay in afarta hayadood ee uu soo ban-dhigay ey qabtaan howlihii hayadaha hoggaanka bulshada, dawooyinka, daryeelka ilkaha iyo dhaqaalaha taageerada daryeelka caafimaad, ka baaraan-degga iyo isku soo dubba-ridka dawooyinka, machadka caafimaadka bulshada, hayadda cudurrada faafa, hayadda saadaalinta daryeelka, hayadda isku-dubba-ridka ee howlaha curaannada, hayadda qaabilsan caruurta la kafaala-qaado, hayadda dawliga ee talada caafimaadka iyo anshaxa, machadka qalabka taageerada, iyo hayadda farmashiyeyaasha.

Afarta shirkadood ee la soo jeediyey aasaaskooda:

- Hayadda aqoonta oo howsheedu tahay hiowlaha la xiriira taageerada dhanka aqoonta, kor u qaadid joogto ah ee aqoonta iyo howlaha hor-u-marinta.

- Hayadda baaritaanka caafimaadka, xannaanada howsheeduna tahay kormeerka iyo bixinta kaararka aqoonsiga.

- Hayadda dhismaha howsheeduna tahay hor-u-marinta howlaha war-bixinta ee teknikada iyo xalka is-gaarsiinta.

- Hayadda istraateejiyada hab-nolol-wanaagga howsheeduna tahay dul-meerka guud ee hor-u-marinta caafimaadka arrimmaha curyaamiinta iyo daboolka baahida bulshada iyo wixii la mid ah.

Isha: DN

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".