Dagaalka sokeeye ee Siiriya. Sawirle: Scanpix.

Saraakiil Laga Horistaagey Iney Galaan Siiriya

Maamulka Siiriya ayaa u diiday dhammaan shantii sarkaal ee Iswiidhishka dal-ku-gal ey ku aadi lahaayeen Siiriya si ey uga mid noqdaan ciidammada caalamiga nabad-ilaalinta ee dalkaasi ku sugan. Iyadoona iminka mar labaad la isku dayi doono sidii dalab labaad loo sameeyn lahaa sida uu qoray war-geeyska SvD.

Waddammada Finland iyo Noorwey ayey iminka dalkaasi ka joogaan ciidamo nabad ilaalin ee gaarsiisan soddomeeyo. Halka goolkuna yahay sidii 300 oo sarkaal carrigaa loo gaarsiin lahaa illaa iyo dhammaadka bishan maajo ee eynu ku jirno.

Ciidammada nabad-ilaalinta ayey howshooda ugu muhiimsani tahay sidii ey uga soo war-bixin lahaayeen hir-gelinta labada garab ee Siiriya ku dagaashan iyo sidey u adeecsan yihiin heshiiskii Kofi Annan, hogaamiyihii hore ee hayadda caalamiga ee Qarammada Midoobey.

                                            kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista