35 koron saacaddii. Sawirle: Pontus Lundahl / Scanpix.

Mushaarooyinka Dhallinyarada ee Degmooyinka oo kala Duwan

Mushaarooyinka degmooyinka oo ey qaataan dhallin-yaradu inta ey ku jiraan howlaha xilliyada kuleeylaha ayaa aad u kala duwan.
Degmooyinka ugu mushaarooyinka hooseeya ayaa bixiya 35 koron saacaddii, kolka loo barbar-dhigo dhiggooda ee 106 koron saacaddii, sida ku cad is barbar-dhig uu sameeyay ururka shaqaalaha ee degmooyinku.

Shaqooyinka is barbar-dhigga lagu sameeyey ayaan la xiriirin howlaha ey si ku meel-gaar ah u qabtaan dhallin-yarada dugsiyada sare dhigata ee ka howl-gasha boos uu shaqaale ka maqan yahay, balse la xiriira howlaha dheeriga ah ee xilliyada kuleeylaha lagu howl-geliyo ardeyda sida nadiifinta jardiinooyinka iyo ranjiyeeynta kuraasta dibadaha ee lagu fariisto.

Ururka shaqaalaha ee degmooyinka ayaa soo jeediyay in mushaarooyinka la gaarsiiyo ugu yaraan 61 koron saacaddii. Lenita Granlund, waa madaxa guddiga wada-haddallada u qaabilsan ururka:
- Waa cadaaladdarro aan wanaagsanayn. Howlahan waa in dalka oo dhan looga qiimeeyaa si isku mid ah. Midda kale xitaa haddii ey dhallaan yihiin cidda howsha qabantay waa iney helaan mushaar u qalma. Mana ahan wax loo dul qaadan karo ininey sidaa u kala duwanaadaan mushaarooyinku.

                                      kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".