Facebook

Shirkad Sweden ah sheer galinaysa Facebook

Shirkada dhaqaalaha hawlgabku ku urursadaan mushaharka ay helaan markay shaqada ka fadhiistaan aya sheer gashanaysa shirkada Facebooga.

Dhamaadka isbuca soo socda ayaa shirkada wayn ee internetka Facebook ku biirayaan suuqa dhaqaalaha ee loo yaqaan Nasdaq ee cariga Maraykanka.

Facebook ayaa noqday mid gabi khalkhal ku rida shirkadaha waawayn ee ka tirsan suuqa dhaqaalaha aduunka, kadib markii ay shaaciyeen in ay ka mid noqon doonaan suuqaas heleena natiijoon aad u sareeya.

Svante Linder, waa madaxa xidhiidhka shirkada ururisa maalka hawlgabka ee sjunde AP-fonden.

- Waxaanu galin doona shirkadaas facebook maal gaadhaya 400 oo milyan, waananu soo dhawaynaynaa.

Dadyoowga aan lacagtooda hawl gabka ah galin ama dooran shirkadaha hawlgabka ayaa toos uga mid noda shirkadan sjunde AP-fonden.

Dadkaas ayaa tiradoodu gaadhaysa 2.7 milyan oo Swedhishka ah, kuwaas oo lacagtooda hawlgabnimadu hoos taal sjunde AP-fonden.

Dadyoowgan ayaa qayb ka heli doona sheerkan ay shirkadani galinayso Facebook haddii ay natiijo wacani ka soo baxdo mustaqbalka dhaw.

TT

Kasim.abdulkadir@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".