Sannadkii hore waxaa Sweden qaxootinimo u soo doontay Caruur keligood socda oo tiradoodo tahay 2600, sannadkan waxaa la filayaa in ay imaadaan 3000. Foto: Jessica Gow.

Dhallinyaro la La'yahey Raadkoodii

Dhowrkii sanno ee ugu danbeeyey dhallinyar badan oo qaxootinimo dalka ku imaatay ayaa la waayey meel ay ka baxeen kadib markii sharciga deganaansho ee Sweden loo diidey. Dhallinyartaan ayaa laga layahay goobahii la dejiyey, ayaga oo ka dhuumanaya hay'adaha dowligaa si aan wadankoodi dib loogu celin. Shantii sanno ee ugu danbeysay waxaa meel ay jaan iyo cirib dhigeen la'aqoonin 600 oo ka mid ah dhallinyartaas.

Mid ka mid ah dhallinyartaa ka dhuumanaysa hay'ada dowligaa waxa weeyan Gana. Gana ayaa helay diidmo dalabkiisa magangelyo jiilalkii la soo dhaafay, ka bacdiina waxa uu iskaga tagay goobtii la dejiyey ee loogu tala galay in ladejiyo ilmaha kaligood wadanka imaada. Asaga oo ka cabsiqaba hadii halkaas kusii nagaado in dib loo celiyo.

Sannadkii hore Sweden waxaa yemid in ka badan 2600 oo ah caruur qaxootiya oo kaligood socda. Sannadkaan waxaa la filayaa in ay wadankaan soo gaaran in ka badan sadex kun.

Tobankii afar ayaa loo diidaa Caruurtan degananshada dalkaan. Taas oo keenta in qaar ka mid dhallinyartaas dhuuntaan.

Sidaan ka soo xiganay laaanta socdaalka Migrationsverket sannadkaan keliya waxaa dhuuntay 75 ka mid ah dhallinyartaas.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".