Foto: Jessica Gow/Scanpix.

Jariirada Expressen oo uu xukun ku dhacay

Jariirada Expressen ayuu ku dhacay xukun ah hub gadahso. Jariirada ayaa hub gadashadaan samaysay si ay u tijaabiso sidey u sahlantahay hub ka gadashada suuqa madow ee magaalada Malmö. Hubka ay jariiradu ka gadatay magaaladas Malmö oo ahaa bostoolad ayey isla markiiba u ku wareejisay ciidamada booliska.

Wariye Diamant Salihu oo ahaan ruuxa hubka soo iibshay ayaa lagu soo oogay dacwad ah jabinta sharciga hubka, sidoo kale tafatiraha jariiradaas Thomas Mattsson iyo madaxa waraka Andreas Johansson oo ayagu ka danbeeyey go'aanka hub gadahsada ayaa lagu soo oogay dacwad ah in ay sabab u ahaayeen danbigaas.

Dhamaantood ayaa lagu xukumay in ay galeen danbigaas iyo ganaax.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".