Qalalaase ka dhacay xaafadda Tensta

Labadii habeen ee la soo dhaafay waxay qala'laaso ka taagnayd xaafadda Tensta oo ku taala waqooyiga magaalada Stockholm, qala'laasahaas oo ay wadeen caruurta degan degmadaas. Xalay fiidkii ayuu booliisku qabtay tadobo ka mid ah caruurtaas oo la sheegay in ay dhasheen inta u dhaxaysay sannadkii 1993 ilaa 1996.

Caruurtaan ayaa la qabtay kadib markii ay booliska dhagaxyeeyeen ayna burburiyeen oo dab qabadsiiyeen Iskuul iyo guriga dubaasha ee xafaddas.

Qalalaasahaan ayaa la sheegay in ay ku lug lahaayeen ku dhawaad sodomeeyo dhallinyaro da'yar ah.

Sidoo kale xalay ayey caruurto dab qabadsiiyeen baabuur badan, inkastoo ay xaaladu ka yare degnayd siday ay ahayd habeen hore.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".