Ardey wax ku dhiganaysa kalaas ka mid ah kalaasyeda dugsiga sare. Foto: Karin Malmhav/Scanpix.

Iskuulada oo sharuudo qaldan ku xira ardeyda u baahan caawintaan

Tobankii afar ka mid ah macallimiinta dugsiyada hoose ayaa sheegay in aysan ku helin dhaqaale dheerad ah caawinta ardeyda u baahan in la siiyo taageero dheerad ah dhanka waxbarashada, hadii ardeygu uusan haysan baaritaan caafimaad oo muujinaya in ardeygaas qabo adhd ama dyslexi.

Lakiin sharuudahaas ayaa ah kuwo ka hor imaanaya sida uu qabo sharciga iskullka.

Anders Heiborn oo ah gudoomiyaha hay'ada iskullada dhanka racfaan qaadashada ayaa sheegtay in degmooyinka iyo maamulada iskullado xaq u lahayn in ay sharuud kaga dhigaan ardeyda caawinta u baahan in ay keenaan baaaritaan caafimaad si ay u helaan taageerada ay u baahan yahiin.

- Ma jirto wax loo custado oo sharuud looga dhigi karo in ardeygu keensado baaritaan caafimaad si oo u helo caawitaan dheerad ah lagu siiyo waxbaradhadiisa ayuu yeri Anders Heidborn.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".