Foto: Beatrice Janzon/Sveriges Radio.

Suuqyada caalamka oo hoos u dhacay maantay

Suuqyada dhaqaalaha adoonka ayaa maantay oo jimco ah dhamaantood luxmay kadib markii ay beryahaan isa sootareen xaaladaha adag ee dhaqaale ee la soo gudboonaatay wadmada Greega iyo Isbeyn. Suuqa Asie ayaa saakay aruurtiida hoos u dhacweyn kuyemid, sidoo kale horyaalada suuqyada waaweyn ee yurub ayaa laga dareemay gilgil xoogan.

Suuqa Stockholm ayaa maantay hoos u dhacay boqolkii labo.

Suuqyada dhaqaale adoonka waxaa saamseyn ku yeeshay jawaabo ka soo yeeray shirkadaha qaymeeya amaahaha dowladdaha.

Siyaasada dabayshu sidato ee Greega ayaa keentay in shirkada Fitch ee qaymaysa amaaha dowladdaha ay la mid dhigto kredit Greega qashin.

Sidoo kale shirkad la yiraahdo Moody ayaa dhulka dhigtay qaymaha kreditka afar gobol oo ka mid ah 17:ka gobal ee Isbayn iyo 16 bangi ee dalkaas.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".