Keydka sawirada ee Sveriges Radio.

Dambile kufsi u xidhan oo fasax dalbaday

Nin xabsiga ku jira oo dalbaday fasax si u ula kulmo xaaskiisa oo dhalaysa ayaa loo diiday fasaxaas. Ninkan dambiilaha ah ayaa isaga iyo lix kale gabadh ku kufsadeen xero ka mida kuwa qaxootiga ee laanta socdaalka ee Marialund.

Hayada xabsiyada ee Kriminalvården ayaa gaashaanka u durtay codsiga ka soo yeedhay dambiilahan kadib markii ay hore xabsigu ugu diideen in u helo fasaxaas, kaaso u ka dacwooday.

Sababta ninkan fasaxa loogu diiday ayaa salka ku haysa in ninkani u awal hore u galay dambiyo isdaba joog ah, waa sida ay qorayso warbaahinta hawada ee Östran, oo ku daabacday websitekooda.

Ma jiran sababo khaas ah oo loogu ogolaado fasaxa u dalbaday dambiilahani.

Ninkan ayaa lagu riday xukun lix sanno ah, ninkan ayaa ahaa ninkii gabadha la kufsaday ku khiyaameeyay in u geeyo xerada qaxootiga ee kufsigu ka dhacay sannadkii tagay bishiisii Diisember.

Ninkan ayaa ambiil ka qaatay xukunku ku dhacay, hadana sugaya maxkamad cusub sannadkan bishiisa Jun.

DN

Kasim.abdulkadir@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".