Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Dawooyinka laysku duro

Bileyska oo qabtay dawooyinka laysku duro

La daabacay fredag 18 maj 2012 kl 15.13
1 av 2
Sawirle: Polisen
2 av 2
Sawirle: Scanpix.

Hawl galkan ay maanta ciidamada xuduuduhu fuliyeen ayaa la rajaynayaa in u yahay kii ugu waynaa ee abid dawooyinka muqaadaraadka ah ee ay isticmaalaan dadka jidhka dhisa ee loo yaqaan anaboolada.

Tira gaadhaysa saddex iyo toban qof ayaa gacanta loo galiyey bileyska oo hadda laga xayuubiyey xoriyadoodii.

Dawooyinkan ayaa suuqa ka jooga lacag dhan ilaa tobaneeyo milyan oo karoon, hawlgalkan ayaa ahaa mid wadankoo dhan laga fuliyey.

Hawl galkan ayaa waxa ka qayb qaatay 50 ciidamada xuduudaha iyo ilaa sodomeeyo bilays ah.

Dacwad oogaha ayaa diiday in u sharaaxaad ka bixiyo noocyada ay yihiin dawooyinkan la qabtay iyo in ay ku jirto, waxyaabo maandooriye ah.

Dawooyinkan ayaa la filaya in laga soo galiyey koonfurta Aasiya.

Dadyoowagan ku jira gacanta bilayska ayaa ah qaar hore caan ahaa dhanka bilayska, waxaana la filayaa in dadyow kale oo badan la soo qaban doono.

SVT

Kasim.abdulkadir@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".