Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Nidaamka Ammaanka Nololeed oo Hoos u Dhacay

La daabacay måndag 21 maj 2012 kl 09.20

Dalka Iswiidhen ayaa lumiyay kaalintii sareeysay ee uu kaga jiray nidaamka dhaqaale nololeed ee bulshada. Dalkan oo lagu ammaani jiray inuu kaalinta koowaad kaga jiro habka a-kassa-da (dhaqaalaha la siiyo ruuxa shaqa la'aantu ku habsato) ee caalamka ayaa iminka ka hooseeya kaalinta dhexdheedka marka loo barbar-dhigo waddammada caalamka.

Sida ku cad baaritaan loo sameeyay guddiga baarlamanteriga ee ka baaraan-degga ceeymiska bulshada.

Irene Wennemo, waa gacan-yaraha guddiga:
- Waxaa naga dhaadhacsan sawir in nidaamka caymiska dalku yahay mid wanaagsan oo kaali sarreeysa ku jira marka loo barbar-dhigo waddammada kale. Waxaa iminka muuqatay in aanay middaasi dhab ahayn.

Soo saareyaasha war-bixintan ayaa eegey iyaga oo ka tallaabo qaadaya mushaarooyinka caadiga ah ee dadyowga warshadaha ka howl-gala ceeymiskooda dhaqaalahooda kolka dhaawacyo gaaraan iyo sidoo kale ceeymiska shaqa-la'aanta muddadii u dhaxeeysay 2005 iyo 2010. War.bixinta oo uu maanta daabacay war-geeyska SvD ayuu sheegay inay ku caddaatay in dalkani lumiyay kaalintii sare ee howlahaa kaga jiray iyadoona iminka uu ka hooseeyo kaalinta dhexdehexaadka marka loo barbar-dhigo waddammada OECD.

                                                      kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".