Ray'isal wasaaraha dalka Iswiidhan Fredrik Reinfeldt

Fredrik Reinfeldt oo ka hadli doona kulanka Nato

Fredrik Reinfeldt waxa uu ka qudbayn doonaa kulanka heerka sare ah ee Nato kaas oo ka dhacaya Chicago. Kulankaan ayaa looga hadlayaa iska difaacida sawaariqda iyo wada shaqayn ciidan oo dheeraad ah iyo weliba Afghanistan oo ay Sweden qayb ka tahay ciidanka nabad ilaalinta halkaa ku sugan.

Sweden kama mid aha Nato lakiin waayadaan danbe Sweden wadashaqayn militari ayaa kala dhaxaysay Nato. Dagaalkii Liibiya ayey Sweden kaga qayb qaadatay diyaaradaha dagaalka.

Kulanka Nato ayaa looga hadlayaa starajiyada lagu soo gabagabayn karo dagaalka Afghanistan iyo sidii reer galbeedku u sii saacdi lahaayeen wadankaas marka ciidanka laga soo saaro dalkaas 2014.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".