Klicka för större grafik

Eritrea oo inkirtay in xiriir kala dhaxeeya Sweden

Hadalkii uu madaxweynaha Eritrea sheegay mar uu waraysi siiyey wargeyska Aftonbladet oo ahaan in Sweden iyo Eritrea aysan ka dhaxaynin wax xiriir ah isla markaas aysan labada wadan ka wada hadlin xariga saxufiga Eritreyanka ah balse haysta dhalashada Sweden Dawit Isaak - ayaa la yaab ku noqday wasaarada arimaha dibada dalkaan Sweden.

Sida uu sheegay Frank Belfrage oo ah sarkaalka ugu sareeye ee wasaarada arimaha dibada, ma dhamaanin wada xaajoodka labada wadan ee la xiriirta Dawit Isaak.

- Waxauno la leenahay xaajood firfircoon oo joogta ah danjirayaasha dalkaas ayuu yeri mar uu la hadlayey laanta wararka ee TT.

Sidoo kale waxaa xaqiijiyey in wada xaajood u socdo labada dalka Fredrik Reinfeldt, waxa uuna cadeeyey in ay maanlin dhaweyd arintas kala hadleen wasiir ku xigeenka arimaha diba Eritrea iyo in safiirka u fadhiya Sweden dalkaas uu ku dhawaad 30 jeer xiriir kala sameeyey arintaas masuuliyiinta Eritrea.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".