Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Baritankii dilaa Peter Mangs oo noqday kii ugu qaalisanaa abad

La daabacay måndag 21 maj 2012 kl 12.26

Baritaankii lagu sameeyey dilaaga magaalada Malmö Peter Mangs ayaa ku kacay qarash ka badan 48 milyoon oo koron. Taas oo noqonaysa baaritaankii ugu qaalisanaa ee uu Skåne booliis abadan sameeyo oo isla markaan ka mid ah baritaanada ugu qarash bixida badnaa ee laga sameeyey dalkaan Sweden.

Hadii lagu daro qarashka ku baxay soo qabashada Peter Mangs 2010 ayey siifuulaysaa tobonaan milyan oo koron. Qarashka ugu badan waxa uu ku baxay qabiiro loo adeegsaday baritaanada cumbuyiitarada taas oo ku kacay inta u dhaxaysa lix ilaa todobo milyan oo koron, ayuu yeri Peter Talling oo qaabilsan qaybta qarashaadka booliska gobalka Skåne.

Booliiska Skåne ayaa maaliyadiisu tahay 2,2 bilyan oo koron sannadkii, mana heli doonaan lacag dheeraad ah oo lagu kabo qarashka ku baxay baritaanka Peter Mangs.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".