Wanqalkii Estelle oo Maanta Dhici Doonta

Kaniisadda wayn ee Slottskyrkan oo maanta lagu qaban doono walqalka gabadha ay dhashay gabadha iska leh dhaxalka Boqortooyada ayaa ah maalin ey sugayeen dad badan ee raacsan dhismaha habka boqortooyada.
Xafladda wal-qalka Estelle ayaa lagu casumey dad tiradoodu gaarsiisan tahay 300 oo marka laga yimaado reerka boqortooyada ey ka mid yihiin qoysas ka tirsan boqortooyooyinka waddammada dibadaha, siyaasiyiin, xubno ka tirsan baarlamanka, xubno matalaya diimaha kala duwan, diblomaasiyiin iyop sidii kale saraakiil mataleeysa hayadaha dawladda.

Martida ayaa la filayaa iney soo caga-dhigtaan daarta boqortooyada iyo kaniisadda Slottskyrkan saacaddu markay tahay 11:00. Halka wal-qalka qudhiisu bilaaban doono 12-ka duhurnimo, isagoona socon doona muddo saacad ah.

Xafladda wal-qalka ayey hogaamin doonaan wadaadka sare Anders Wejryd, Lars-Göran Lönnermark iyo Åke Bonnier. Halka inta u dhaxeeysa 13:15 iyo 14:30 uu xaaska reer-boqor soo dhoweeyn ku qaban doono daarta boqortooyada.

                                                   kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".