Xeerka Dhaxaltooyada Kursiga Boqortooyada

Xeerka nidaamka dhaxaltooyada ee dalkan Iswiidhen ayaa ka mid ah ah xeerarka ku qoran dastuurka dalka.
Iyadoona xeerkaa la qaatay sannadkii 1810 kullan ey xubnihii waagaasi ee baarlamanku ku yeesheen magaalada Örebro loona magacaabay marshaalkii
Bernadotte inuu leeyahay dhaxalkii boqortooyada kolka uu kurigaasi baneeyo boqorkii waagaasi ee Karl-kii saddex iyo tobanaad. Xeerkaa ayaana qeexayay cidda dhaxalka u leh kolka uu bannaanaado kursiga boqortooyada.

Xubnaha boqortooyada ayaa ayuu sidaa oo kale qorayaa xeerkaasi iney ka tirsan yihiin madhabta evangeliska sida ku cad qodobka 4-aad ee xeerka dhaxalka boqortooyadu. Haddii aanay middaasi dhicinna aanay suurtagal ahayn in la dhaxlo kursiga boqortooyada.

Halka sidoo kale uu xeerkaasi dhaleeceeynayo dhammaan diimaha iyo madaahiibta kale oo dhan.

Wixii ka dambeeyay xeerkaasi ee la dejiyey sannadkii 1810 ayaa un laga badalay in habluhuna yeelan karaan dhaxalka boqortooyada, halka ey markii hore wiilasha un ka lahaayeen dhaxalka boqortooyada. Go'aanka wax looga badalay nidaamkaa ayuuna gaaray baarlamanka dalka 24-kii bishii abriil ee sannadkii 1978.

Sida iminka loo kala leeyahay dhaxalka:

1. Amiirad Victoria

2. Amiirad Estelle

3. Amiir Carl Philip

4. Amiirad Madeleine

                                                  kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".