Foto: Adrin Snider/Scanpix.

Skirkada Duulimaadka Skyways oo kacday

Shirkada duulimaadka Skyways oo ay leedahay City Airline ayaa sheegtay in ay kacday, sidaas waxa lagu sheegay warsaxaafeed ay soo saartay skirkado. Dhamaan duulimaadka shirkada ayaa la joojiyey lamana qaadayo wax qarashaad ah waxii hada ka bilowda.

Skyways ayaa ah shirkad duulimaad oo isga goosha 20 garoon oo ku yaala gudaha Sweden iyo dalka dibadiisa. Waxaa ka mid ahaa garoomada ay tagijirtay diyaaradaan garoonka Visby, Örnsköldsvik, Halmstad, Växjö, Göteborg, Åre/Östersund, Manchester iyo Bergen.

Go'aankaan oo soo baxay saakay lixdii ayaa saamaynaya rakaab ka duuli lahaaa Karlsatad oo u socday Köpenhamn iyo weliba Stockholm oo u socotay Göteborg.

Ururka iskutaga duuliyaasha ayaa sheegay in kacida shirkadaan ay ka micno tahay in ay shaqadooda waayeen 300 ilaa 350 qof oo ka howl geli jiray shirkadaas.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".