Foto: Janerik Henriksson/Scanpix.

Dib u habayntii lagu sameeyey daryeelka ilkaha sidii la rabay ma noqonin

Dib habayntii lagu sameeyey daryeelka ilkaha 2008 sidii la rabay uma shaqaynin waxaana sabab u ah in dadka badankood aysan garanaynin kaalmada loogu helo daryeelka ilkaha iyo weliba gabaadka loogu tala galay in laga yeesho daryeelka ilkaha in qarashkoodu kordho, sidaas waxaa cadeeyey xisaab haya guud oo maantay soo bandhigay baaritaan uu ku sameeyey dib u habayntaas.

Xisaab haya guud Gudrun Antemar oo jariirada DN Debatt ku soo bandhigtay qoraal ay arintaas uga hadlayso ayaa ku talisay in dowladdu dib u eegid ku samayso reformkii (dib u habaytii) lagu sameeyey dayeelka ilkaha oo ayna fiiriso in ay arintaan keentay waxii la doonayey in ay dhaliso iyo in kale. 

Booqashada dhaqtarka ilkaha waxay kobacday boqolkii labo keliya mana la laga dareemayo wax qaayma dhimis ah oo ku timid booqashada.

Xoqta:TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".