Sahlida Guriyaha oo Gacan Labaad Lagu Kireeyo oo La dhaleeceeyey

Hindisaha dowladda ee lagu sahlayo gacan labaad ku kireynta guriyaha si loo yareeyo guri la'aanta ayaa suulka hoos loogu dhigay. Waxaa si weyn arintaan u dhaleecaysan wakiilada ururka ardeyda iyo dhallinyarada, sida ay qortay jariirada Hem & Hyra oo u kuur gashay talo ka bixinta arintaas ee loo gudbiyey dowladda.

Tusaale ururka ardeyda ayaa ku dhaleeceeyey hindisahaan in oo u sahlayo guri kireeyaha in uu markuu doono kabixi karo heshiiska uu guirga ku kireeyey taas oo dhalin karta bay yiraahdeen amni xumo ku timaada suuqa kirada.

Xogta. Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".