Gustav Fridolin och Åsa Romson på Miljöpartiets presskonferens. Foto: Björn Andersson/Sveriges Radio.

Miljöpartiet: waan in aan ula tagno cod bixiyaasha siyaasad aan u madax banaanahay

Inta badan siyaasiinta gobalada ee ka tirsan xisbiga Miljöpartiet ayaa doonaya in xisbigu uu doorashada soo socota uga qayb qataan si madax banaan oo aysan cidna ku tirsanayn. Xisbiga ayaa damacsan in maalinta doorashada ka bacdii uu cadaadis adag saaro xisbiyada hant goosadka ah hadii ay isku dayaan in ay xukunka sii hayaan ayaga oo aan haysanin aqlibiyad balaaran, sida ay qortay wargeyska SVD.

SVD ayaa waraysatay 23 ka mid 26 gobal ee dalkaan. hal keliya oo kamid ah kuwo la warastey ayaa qaba in ay fiicantahay in lagu sii dhagnaado wada shaqayn xisbiga hada la leeyahay xisbiyada kala ah S iyo V.

Hada oo ay labo sanno ka dhimantay doorashada soo socota ayey xisbigaas rabaan in Miljöpariet ula tagaan codbixiyaasha siyaasad xisbigu kaligiis wato.

xogta: SVD

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".