Wasiirka arrimaha dibada ee dalkan Iswiidhan Carl Bildt oo ka mid ahaa wasiirka arrimaha dibada. Foto: Pontus Lundahl/Scanpix

xisbiga Miljöpartiet oo dhaliilay Carl Bildt

Xisbiga Miljöpartiet ayaa dhaleecaysan hadal ka soo yeeray wasiirka arimaha dibada Carl Bildt kaas oo ahaa in Sweden hal talaabo u soo dhawaatay Nato ka dib kulankii xalay ka dhacay Chicago.

Xoghaya xisbiga ee mid ka ah gudiga barlamaanka ee amuuraha difaaca Peter Rådberg ayaa sheegay in aysan waxba ku jabnayn in Sweden ay wada shaqayn la leedahay Nato lakiin in laysku dayo in loo dhaweeyo Nato sidii Sweden uga mid noqon lahayd ururkas ay yeelan karto saamayn aan loo baahnayn. Tusaalo in Sweden xubin ka noqoto dalada hubka nukliyeerka ee Nato ayuu yeri Peter Rådberg.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".