Dilaa Peter Mangs saxiibkiis oo maantay ku marqaati furay

Maxakamadeynta ku socota ninka lagu tuhmayo in uu dad badan ku laayey magaalada Malmö Peter Mangs ayaa waxaa maantay ku marqaati furay nin ay saaxiibo ahaayeen kaas oo sheegay in uu Mangs u sheegay dil in uu geystay.

Marqaatigaan ayaa yeri anaga oo fadhina jikada ayuu Mangs i tusay bistoolad waxa uuna ii sheegay in uu baraaweeyey bistoolada. Sida uu sheegay marqaatigaan Mangs ayaa u qirtay in uu dilay Trez West Persson.

Marka uu ninkaan Mangs kula taliyey in booliska u tago ayuu u hanjabay oo ugu caga jogleeyey in uu dili doono asaga iyo cidiisaba.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".