Marita Ulvskog (S) waxay rabtaa maagelin lagu sameeyo laamaha guud, halka Gunnar Hökmark (M) rabo in wax laga qabta caqabadaha ku gudban suuqayada gudaha EU. Foto: Scanpix

Kulan looga hadlayo dhaqaalaha Yurub oo caaway dhici doona

Caaway waxaa kulan iskugu imaanaya madaxda midowga Yurub. Arimaha laga hadlayo waxay ku saabsanyahiin farsamooyinka ugu haboon ee lagu dardar gelin karo dhaqaalaha xun ee Yurub. Lakiin aragtiyada madaxda EU marka loo fiiriyo habka ugu haboon ee wax looga qaban karo ayaa kala gadisan.

- Waa in aan joojino siyaasadda dhaqaalo ciriiriska ah ee aan waayadaan ku dhaqmaynay, ayey tiri Maria Ulvskog oo xubin ka ah xisbiga Soshiyaaldemokaratiga, kana mid ah barlamaanka EU.

Ulvskog waxay rabtaa in ay aragto maagelin lagu sameeyo laamaha guud sida dib u habayn lagu sameeyo tamarta, taas oo gacan ka geysan karta kobcitaanka dhaqaalaha Yurub. Lakiin Gunnar Hökmark oo asaguna u fadhiya xisbiga Moderatka barlmaank Yurub ayaa qaba fikir ka gedisan. Waxa uuna ku doodeyaa in sida ugu wanaagsan ee lagu dardar gelin karo dhaqalaaha Yurub ay tahay in meesha laga saaro caqabadaha ku gudban gudaha suuqyada Yurub.

- Waan in la hirgeliyaa sharuuc u sahlaysa shirkadaha dhismaha in ay ku tartamaan dhamaan wadamada EU iyo in loo sahlo sidii shirkado cusob u abuurmi lahaayeen dhanka ka ganacsiga tafaariiqda si ay macaamiishu u helaan qaymo jaban ayuu yeri Gunnar Hökmark.

Wadama badan oo ka mid ah EU ayey la soo gudboonaatay dhaqaalo yari, waxaana sammayn weyn ku yeeshay dooda dhaqaalaha Yurub isbadelka ku yemid hogaanka dalka Fransiiska. Madaxweyna cusob ee dalkaas ayaa doonaya in meesha laga saaro siyaasada dhaqaalo ciriiriska ee waayadaan Yurub looga dhaqmayey oo badelkeed lagu dhaqmo siyaasad ku dhisan dhaqaalo kobcin.

Saameynta ay siyaasada dhaqaalo ciriirisku leedahay

Harry Flam oo ah barofesor wax ka dhiga dhaqaalaha caalamka ayaa qaba in siyaasada dhaqaalo ciriiriska ku dhisan ay saamayn aan fiicnay u leedahay dhaqaalaha Sweden, madaama ayuu yeri ay Sweden ku tiirsantahay waxyaabaha ay u dhoofiso suuqyada Yurub.

- Hadii laysku howlo ayuu yeri dhaqaalo kobcin waxay ay faa'ido u leedahay wax soo saarka iyo alaab dhoofinta Sweden.

Warsame Elmi

Warsame.elmi@sverigesradio.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".