Sawirle: Jack Mikrut/Scanpix.

Xilliga la sugo Isbitaallada oo Hoos u Dhacday

War-bixin ay soo saartay hayadda hoggaanka bulshada Socialstyrelse ayaa lagu caddeeyay inay hoos u dhacday muddada sugitaanka isbitaallada ee dalka. Qaar badan ee bulshada ka mid ah ayey ku qaadataa wax toddobaad ka yar sidii ey ula kulmi lahaayeen dhakhaatiir ka howl-gasha goobaha bukaan-socodka, halka ey ku qaadato muddo sagaashan maalmood ka kor u dhaafeeysa inta ey kala kulmayaan dhakhaatiir takhasus leh ee ka howl-gala isbitaallada.

Ballan-qaadkii daryeel ee caafimaad iyo miisaaniyaddii loogu talo galay in lagu abaal-mariyo gobollada gaarey goolkii dhimista ee safafka daryeelka caafimaad ayaa ugu wacan in muddadu gaabato, sida ay hayaddu sheegtay.

Isha: TT

                                       kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".