Rabshado ka dhacay xalay Malmö

Magaalada Malmö habeynimadii xalay waxay booliisku qabteen labo qof kadib markii ay xaafadda Rosengård ka dhacday qalalaaso. Booliska oo u baxay dab la qabadsiiyey xarun shidaal ayaa la kulmay dhagaxaan fara badan oo lagu soo tuurayey taas oo keentay in boolisku dalbado gurmad.

Waxaa ay dhallinyarada xaafado sidoo kale ay dab qabadsiiyeen qaybo kale oo kamid ah xaafaddas, lakiin booliska markay gurmad heleen ayey ku guulaysteen in ay xaalada dejiyaan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista