Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Dadyow badan ayaan Halis u Arag Deeymaha

Qaar badan ee ka mid ah dadyowga qaata deeymaha sidii ey hooy ugu iibsan lahaayeen ayaan ka war-heyn khatarta ey deeymuhu leeyihiin, halka sidoo kale ey aad u adag tahay sidii hooy lagu mulkin lahaa iyada oo aan deeyn la qaadan. Waxaa sidoo kale aad u adag in la helo guryo la kireeysto. Qaasatan waxay middaasi caqabad ballaaran ku heeysaa dhallin-yarada, sida ay sheegtay hayadda deeymaha hooyada loo qaato ee maanta la soo bandhigay.

– Dhibaatada arrinkaa la xiriirta ayaa aad u sareeysa, maadaama uu qiimuhuna aad u sareeyo. Ma ahan xaalad sidaa ku socon karta mustaqbalka, sida ay sheegtay Alexandra Leonhard, oo hayadda u qaabilsan saadaalinta.

Guud ahaan qiimaha guryaha dalkan ayaa aad loo qiimeeyaa iyadoona kolka aad deeyn guri ku qaadato oo aad dabadeed iska iibiso aad lacag lumin karto. Middaasina hor-seedi karto inaadan deeyntii bankiga iska bixin karayn.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".