Amnesty Internationals logotype. Foto: Hasse Holmberg/Scanpix.

Amnesty oo dhaleecaysay Sweden

Warbixinta sannad laha ah ee Amnest International ayaa lagu eedeeyey qaab dhaqmeedka Sweden ee qaxootiga, gaar ahaan sida loola dhaqmo xaqootiga romarka ah iyo weliba dib u celinta lagu sameeyo qaxootiga irak iyo Eritrea ka imaada, madaama sida ay sheegtay amnesti dadyowga qatar ugu jiraan in kadeed iyo raacdeysi loo geysto.

Amnest ayaa waxay sidoo kale dhaleecaysay in aysan sweden weli ka ahayn denbi in dadka la jir dilo.

Lisa Berg oo ah xoghaya amnest qaybta sweden ayaa tiri mar ay arintaas ka hadlaysay sida tan.

- waxaan doonaynaa in ay sharciga sweden ku jirto. Waxaa dhici karta jir dil laga geysto sweden, waxaa sidoo kale dhici karta in dad jooga dalkaan in ay dalal kale ka soo geysteen jir dil. Marka waa in ay jirtaa danbi la dhaho jir dil si dadyowgaas loo xukumo ayey tiri.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".