Billad la gudoonsiiyay qorshaha "ta med en vän". Sawirle: SR International

Xaaladda Saamiga ee Kaankarada Ilmagaleenka

Wasiirka bulshada, Göran Hägglund ahna hogaamiyaha xisbiga Kristendemokrat-iga ayaa maanta billad sharaf ku gudoonsiiyay xarunta aqalka ummadda ee xaafadda Hammarkullen ee magaalada Göteborg dadyowgii ka qeyb-galay, gacantana ku lahaa qorshe loogu magac-daray "ta med en vän - saaxiib hore u soo kaxeeyso", qorshahaasina loogu tala-galay sidii loogu dhiiri-gelin lahaa haweenka ku dhaqan xaafadaha ajaaniibtu ku badan yihiin ee Göteborg iney tagaan iskana baaraan cudurka kaankarada ee gala ilma-galeenka.

Qorshahan oo socday muddo sannad ah ayey iska kaashadeen hayad-goboleedka caafimaadka ee gobolka iyo haween loogu magac daray "dulor" kana mid ah haweenka ku dhaqan xaafadahaa.

                                                 kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".