Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Cayaar Lacag Loogu Ururinayo Hablo Soomaaliyeed

La cusbooneeyay torsdag 31 maj 2012 kl 13.53
La daabacay torsdag 31 maj 2012 kl 13.53
Dallin-yaro u istaagtey iney taakuleeyaan dhiggooda
5:35 min
Dhallin-yaro u istaagtay dhigooda. Sawirle: SR International

Magaalada Göteborg ayaa maanta oo jimce ah ay ka dhici doontaa cayaar saaxibtimo oo ey ka qeyb qaadanayaan cayaartooydii hore ee kooxda Häcken, kuwooda iminka u cayaara xulka kooxda ee horyaalka iyo cayaartooy koox soomaaliyeed ee la magac-baxday Blue Lions, iyadoona goolka laga leeyahay cayaartani tahay sidii dhaqaale loogu ururin lahaa dhisme dugsi ee ka socda magaalada Gaalkacyo looguna tala-galay hablo da'doodu u dhaxeeyso 7 illaa iyo 18 jir ee agoon ah.

Fikirkan ayey lahaayeen dhallin-yaro dalkan ku dhalatay ee asalkoodu soomaali ka soo jeedo ee ku dhaqan magaalada Göteborg. Dhallin-yarada oo aannu kula kullanay Göteborg noo sheegey in fikirkan ka dambeeyey kolkii ey arkeen dhibaatooyinka la soo gudboonaada dhallaanka soomaaliyeed ee aan suurtagalka sidooda u helin ammaan iyo nolol wacan.

- Markii ugu horeeysay waxaannu ka wada xaajoonay sidii aan wax u qaban lahayn. Dabadeed waxaannu dhignay xaflado annaga oo halkaasi ku iibiney cunnooyin, galabtana aannu cayaartaa wixii naga soo gala aannu ku biirin doonno, sida ey noo sheegeen Cabdiqani Muuse, ahna arday dhigta jaamicadda ee barta maadada xisaabta iyo Cabdirisaaq Cabdullaahi, dhigtana fasalkii ugu dambeeyey ee mid ka mid ah dugsiyada sare ee magaalada Göteborg.

                                        kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".