Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Borlänge oo Mideynta Qoysaska Qaxootigaa Ka cabanaysa

La daabacay fredag 25 maj 2012 kl 13.40
Soomali badan oo dhex lugeynaysa xaafadd ay ku badanyahiin magaalada Borlänge. Sawirle:Warsame Elmi

Qoysaska soomalida qaxootigaa ee kala irdhoobay ayaa la filayaa in dib loogu mideeyo dalkaan Sweden. Sida ay mujinayso tirokoob ay shaacisay laanta socdaalka migrationsverket waxa la filayaan in ay Sweden imaadan 20 000 oo qof oo soomaaliya labadaan sanno ee soo socda.

Inta badan dadkaan ayaa deegaan ahaan u degi doona degmooyinka yaryar ee dalkaan halkaas oo ay maantay ku noolyahiin qoysaskooda jooga dalkaan. Daraasad ay idaacada caalamigaa ee radio Sweden ku samaynay 30 degmo ee ay somalida u badantahay ayaa muujinaya in dhaqaalaha ay dowladda ku siiso degmooyinka, qaabilaada qaaxootiga aysan ku filnay. Boqolkii 90 demooyinka ayaa ku jawaabay maya mar ay ka jawaabayeen su'aal ahayd: ma filaysaan dhaqaalaha dowladda idin ku siiso qaabilaada in ay ku filanaan karto qaraska ku bixi doona dadka idiin soo socda.

Degmada ay waqtiyaadan aad u soo degaan soomalida dalka ku cusob waxa weeyan Borlänge oo ku taal gobalka Dalarna. Wariyaheena Warsame Elmi ayaa booqasho shaqo ku tagay degmadaas warbxintaan aad hoos ka dhgaysan kartidna nooga soo diyaariyey.

Warsame Elmi

Warsame.elmi@Sverigesradio.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".