Tifa, Hugo, Adam booqasho ku tagay goob ka mida goobaha xoolaha oo ku taal 4H gården Vissmålen kana tirsan Huskvarna. Sawirle David Svanberg/Sveriges Radio.
Caafimaadka

Adkaynta cudurada xayawaanka iyo dadka

Hayada beeraha ee Jordbruksverket ayaa soo jeedisay in la dhawro nadaafada goobaha xayawaanka iyo dadku ku kulmaan, si loo hakiyo cudurada faafa ee ka dhasha goobahaas, kuwaaso u dhaxeeya dadka iyo xoolaha.

Wakaalada wararka ee Ekot ayaa booqatay mid ka mida goobahaas oo ku taal magaalada Jönköping.

Waxa booqday goobahaas oo ay maalin weyn u noqotay, Tifa, Hugo iyo Adam oo booqday goobahaas oo ku yaal banaanka magaalada jönköping waxayna soo jeediyeen fikiro kala duwan oo la xidhiidha taabashada xayawaankaas iyo in ay gacmaha iska maydheen kadib markii ay taabteen xoolahaas.

- Waxaan leeyahay xasaasiyad Alaarjiko markaas waa in aan maydho gacmaha ayuu sheegay , Hugo .

Balse Tifa ayaan iska dhaqin gacamaha maadaamo aanay lahayn xasaasiyo alaarjikada ah.

_ Maya maan iska dhaqin gacmaha maadaamo aanan lahayn wax xasaasiyad ah ayey ku jawaabtay Tifa.

Bengt Larsson. Oo ka tirsan hayada beeraha (jordbruksverket) ayaa sheegay in ay muhiim tahay in markasta oo xoolaha ama xayawaanka la salaaxo ama loo dhawaado in la iska maydho gacmaha, haddii aad leedahay xasaasiyo ama aanad lahaynba. Jirtana meel gacmaha lagu dhaqdo.

Arrinkan ayaa ah mid khuseeya goobaha lagu daaweeyo xoolaha sida dhakhtarada.

- Si aan xoolaha xanuun loo qaadsiin ama yagaba looga qaadiin ayey muhiim tahay in la iska dhaqo faraha.

Martina Hennichs oo ka shaqeeysa goobtan ay booqashada ku tageen Hugo iyo Tifa ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in aan xayawaanka iyo dadku aanay kala qaadiin cudurada, lana sameeyo wixii reebi kara.

Ekot i Jönköping

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".