Sawirle: Sofia Müller/Scanpix.

Daraasad lagu sameeyey tacliinta soo galootiga

Dadka dibadaha wadanka ku dhashay waa ka tacliin sareeyaan dadka wadanka ku dhashay. Boqolkii 70 dadka dibadaha ku dhashay oo wadanka joogay shan-ilaa toban sanno tacliinto shaqooyinka ay qabtaan way ka sareeysaa. Saas oo ay tahay raga dibadaha ku dhashay waxay mushaarkooda u dhigmaa mushaarka ay qataan haweenka. Sidoo kale Muslimiinta wadankaan waqti joogay way kaga debacsan yahiin xagjirnimada diinta. Amuurahaas waxay kamid yahiin natiijada daraasad laga sameeyey darajada nolaleed ee dadyowga dibadaha ku dhashay taas oo ay samaysay Stockholm university Linnenter qaybta daraasta isdhexgalka oo dayrtaan  la soo bandhigi doono.

Daraasadaan ayaa ah tii ugu horaysay oo abad lagu sameeyo tacliinta, shaqada, mushaarka, dhaqaalaha iyo arimaha diinta dadka asalkooda ka soo jeedo dibadaha. Ilaa 3500 oo si baqiyo iyo nasiib loo doortay ayaa waraysi lagula yeeshay guriyahooda.

Carl le Grand oo ah barofesor dhiga maadada sociologi iyo Mahmood Arai oo ku taqasusay dhaqaalaha ayaa daraasadaan hor mood ka ahaa. Ilaa iyo hada aqoonta loo lahaa dadka dibadha ku dhashay ma qeexnayn ayuu yeri barofesor Carl le Grand.

-Daraasadaha lagu sameeyey dadyowga dibadaha ku dhashay waxaa aas aas u ahaa macluumaadka xarunta diiwaangelinta Sweden. Waxayna taas sabab u noqotay in aan loo lahaynin aqoon duragsan waxay dadka dalkaan yimaada buursooyinka ku wataan. Daraasadaan ayaa ah tii ugu horaysay oo lagu ogaan karo waayo aragnimada, aqoonta iyo tacliinta ay leeyahiin soo galootigayaga. Khayraadka uu qofku wato markuu dalkaan yimaado iyo khayraad oo u baahanyahay in uu hormariyo markuu halkaan yimaado iyo sida oo u heli lahaa adeegsiga khayraadka uu wato markuu halkaan imaado waa u jeedooyinka laga lee yahay daraasadaan.

Guryo ciriirya iyo caaximaad xumo

Macluumaadka ku jira draasadaan ayaa waxaa ka mid ah natiijooyin xaqiijinaya waxyaabo loo malaynayey in laga ogyahay dadyowga dibadaha ku dhashay. Waxaa ka mid ah xaladooda guriyaha, taas oo ah in badanaa dadka dibadaha ku dhashay ay deganyahiin guriyo ciriiriya oo badanaa kirado ay ka qaalisantahay marka loo barbardhigo guriyaha ay ku nooyahiin dadka dalka ku dhashay. Xaaladooda caafimaad ayaa ah badanaa mid liidata, halka ay kuwo badan la ildaran yahiin shoog badan oo ay kala soo kulmeen wadamadii ay ka yimaadeen. Lakiin inta badan waxay ku qanacsan yahiin nolashooda Sweden.

Daraasada marka la sameenayey ayaa dadka ka qayb qaadanayey loo qybiyey dholalka ay kasoo kala jeedaan. Marka laga hadlayo tacliinta dadka soo galootigaa ayaa kaga sareeya kuwa dalka ku dhashay, sidaas waxaa sheegay Jonas Karlsson oo asagu masuul ka ahaa iskudabaridka daraasada.

- Dhamaan qaybaha kala gedisan ee dadkaan way ka tacliin sareeyaan dadka ku dhashay dalka. Gaar ahaan dadka haysta tacliinta jaamacadeed ayey ku badantahay dadka soo galootigaa marka loo barbardhigo kuwo dalka ku dhashay. Oraahda oranaysa dadka meelaha fogfog ka yimaada way ka aqoon liitaan kuwo dalka ku dhashay waa mid la inkiri karo, ayuu yeri Jonas Karlsson.

-Dadka ugu aqoon liitaa waa kuwa ka yimaada wadamada EU iyo dalalka qanigaa, kuwo ugu tacliinta wanaagsana waxa ka soo jeedan latinamerika. Hadii la fiiriyo dadk dalkaan yimaada badanaa waxay u badanyahiin dad magaalooyin kasoo jeedo oo ka tirsan dabaqada dhexe.

Tacliin sareysa, Mushaar liita

Ayada oo ay dadka dibadaha ku dhasshay ay tacliintoodo sarayso hadana badanaa waxay ka shaqeeyaan mehrado ay ka qibrad sareeyaan. Sida daraasadaan lagu ogaadey boqolkii 70 ayaa qaba tacliin ka sareysa marka loo fiiriyo waxay ka shaqeeyaan kadib markii ay dalka ku sugnaayeen shan-ilaa toban sanno.

Daraasado waxay sidoo kale muujinaysaa in raga dibadaha ku dhashay ay kaga adag tahay in ay iska tiiriyaan bulshada marka loo barbardhigo haweenka dibadha ku dhashay. Raga ayaa badanaa la kulma takoor magacooda dartood. Mushaaraadkana waxaa ka jira farqi u dhaxeeya raga dibaha ku dhashay iyo kuwo dalka ku dhashay. Raga dibaha ku dhashay waxay qataan badanaa mushaarad u dhigma kan ay qaataan haweenka, sidaas waxaa sheegay Carl le Grand.

-Waxaa jira farqi u dhaxeeya dhaqliga soo gala raga dalka ku dhashay iyo kuwo dibadaha ku dhashay, halka dhanka haweenka jirin farqi la tilmaamo, waxaase la tilmaami karaa in raga dibadaha ku dhashay ay badanaa haystaan mushaar u dhigma kan ay haweenka dalka ku dhashay helaan. Waxaa lays weydiin karaa maxaa keenay arintaas?

Dirista lacagaha

Tobankii hal kamid ah dadka dibadaha ku dhashay waxay lacag joogta ah u diraan qaraabadii ay kaga soo tageen dalkii ay ka yimaadeen. Lacagta oo qiyastii ah 6000 oo koron sannadkii sida uu muujinaso daraasado, waana badaanaa dadka Afrika, Asia iyo Latinameriak ka soo jeeda kuwo diraa lacagta

Arimaha diimaha

Daraasada ayaa sidoo kale lagu darsay arimaha diinta. Masawirka dadka qaar sheegaan oo ah in wadanka ay hirqiyeen muslimiin soo galootiya ayaa asna ah mid ay macluumadka daraasadaan ku jiraa jug lagu gaarsiyey.

Dadka dibadaha ku dhashay ee ka yimaada Afrika iyo Bariga Dhexe ayaa inta muslimka ah ay ka yartahay boqolkii 50, halka inta kale ay tahay masixii, druser iwm.

Boqolkii 14 ayaa dadka muslimkaa ayaa sheegay in lagu dhibay diintooda. Lakiin qofka muslimka ah markuu sii deganaado waqti badan dalkaan waxaa sii debca ku dheganaansha diintiisa, waxaa sidaas sheegay Jonas Karlsson oo ah cilmi baare mardhow qaatay hahaada doktoranka.

- Wax sidaas la mid ah ugama jeedno diinmaha kale, sida masiixiga diinta buudismka, ma uga jeedno kuwaas ka dibcitaan diintooda markay wadanka waqti joogaan, waxay noqdaan kuwo ku sii adkaada. Lakiin tan ayaa ah mid u gooni ah dadka muslimkaa, waqti kabacdii way ka soo debcaan ku dheganaanshaha diintooda, ayuu yeri Jonas Karlsson.

Warsaem.elmi@sverigesradio.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".