Sawirle: Maja Suslin/Scanpix
Facebook

Facebooga oo la afduuba waa xadhig

Wiil jira 15 sanno oo degen magaalada Norrköping ayaa bileyska ka dacweeyay wiil ay isku da'a yihiin ka dib markii u ka xaday faceboogiisa kuna iclaamiyey waxyaabo dacaayad ah oo wiilkaas ku saabsan.

Xaditaanka noocan oo kale ah ayaa loo yaqaan (facerape) kufsiga facebooga ama marka qofkale kaa isticmaalo faceboogaaga adigoon ka war hayn.

Arrinkan ayaa loo arkaa in u yahay mid dambi ah oo qofka u keeni kara ganax ama xadhig gaadhaya laba sanno, sidaasi waxay ku caday baadhitaan ay hayada macluumaadku samaysay sannadkii hore.

Daraasaadkan ayaa sheegaya oo kale in kala badh dadka isticmaala Facebooga laga xaday koontadooda oo logu qoray waxyaabo aanay ogayn dadka iska leh koontooyinkaas la afduubay.

Sidaaso ay tahay ayaan hadana dhanka bileyska arrinkani ka ahayn mid dacwad badani uga timaaday.

Sidaas waxa sheegay, Anders Ahlqvist oo khabiir ku ah dambiyada la xidhiidha dhamnka macluumaadka internetka (IT).

- Waxa sababay in dadka koontooyinka laga afduuba aanay u arag in ay tahay wax dambiya, ayuu sheegay Anders Ahlqvist.

TT

kasim.abdulkadir@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".