Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Sirdoonka / Argagixisada

Sirdoonka oo xooga saaraya Argagaxisada

1 av 4
Qaraxii Stockholm sannadkii 2010 Drottningatan. Sawirle: M Hjalmarson Neideman/Scanpix.
2 av 4
Qaraxa kadib, Sawirle: Tomas Oneborg / SvD / SCANPIX
3 av 4
Baaqigii ka hadhay baabuurkii Taimour Abdulwahab ku qarxiyey bartamaha Stockholm sannadkii 2010 (AP Photo/ Swedish Police)
4 av 4
Maydkii Taimour Abdulwahab kadib markii u is qarxiyey. Sawirle: Fredrik Persson / SCANPIX

Hayada sirdoonka dalkan Sweden (Säkerhetspolisen Säpo) ayaa tobankii sanno ee ugu dambaysay dhaqaale xoogan ka helay dawlada , sannadkii hore ee 2011 ayaa hayadaasi dawlada ka heshay lacag dhan 1.1 Bilyan, sidaasi waxay ku caday warbixintoodii sannadka 2011 oo ay heleen wargeeyska wayn ee Sydsvenskan.

Badi dhaqaalaha sirdoonka ayaa ku baxa la dagaalanka iyo ka hortaga argagaxisnimada.

Laanta sirdoonka ee qaabilsan ka hortaga argagaxisnimada ( kontraterrorism ) ayaa maanta ku hela boqolkiiba 29 % marka loo eego toban sanno ka hor oo dhaqaalaha ay laantani hesho u ahaa boqolkiiba 18%.

Laanta sirdoonka u qaabilsan ilaalinta qofka sida wasiirada iyo madaxda ayaa hela iyaguna boqolkiiba 42% halka dhaqaalahaasi ahaa sannadkii 2011 boqolkiiba 24%.

Hayada sirdoonka ayaa noqotay ta ugu muhiimsan hayadaha dawliga ah ee dalkan Sweden wixii ka dambeeyay 11 September sannadkii 2011 iyo waliba dilkii wasiirkii arrimaha dibada ee dalkan Sweden, Anna Lindh oo isna ahaa sannadkii 2003.

- Si looga hortago argagaxisada dalkan Sweden iyo wadamada kalaba ayaa ah mida ugu muhiimsan, sidaas waxa warbixin sannadeedkan ku sheegay madaxa cusub ee sirdoonka Sweden Anders Thornberg.

Warbixintan ayaa waxa ku cad sida ay sirdoonka Sweden ku ogaadeen amase ku fashiliyeen xagjirihii isku qarxiyey magaalada Stockholm sannadkii 2010, Taimour Abdulwahab.

Waxa sirdoonku ogaadeen oo fashiliyeen dhaqdhaqaaqyadii ugu dambeeyay ee xagjirahaas isku qarxiyey bartamaha caasimada Stockholm u sameeyay saacado ka hor intaanu is qarxin.

Sirdoonka ayaa baabuurkii Taimour Abdulwahab ka dhex helay alaada jidka tusta dadka ee loo yaqaan GPS-ka, taaso aqoonyahanada sirdoonka ee qaabilsan IT-Ga ay ogaadeen in u Taimour Abdulwahabs saacad ka hor intaanu is qarxin u ka lumay dariiqa u ku wajahnaa.

Sababta u uga lumay dariiqa ayaa ahayd kadib markii u alaadaas GPS-ka ku qoray dariiqu u socday oo ahaa Drottningsgatan balse u jiro dariiq drottninggatan la yidhaa oo ku yaal Norrtälje, taaso ah ta u galiyey Taimour GPS-ka ugu xidhnaa baabuurkiisa.

Inbadan ayuu ku meeraysanayey dariiqyada, waxyaabahaas ayaa ka mida macluumaadka ay sirdoonku ka heleen GPS-ka ku xidhnayd baabuurkii u ku qarxiyey abdulwahaab bartamaha magaalada Stockholm sannadkii 2010.

Waxa jira in ka badan shan iyo tobban dal oo maanta ku hawlan arrimo la xidhiidha basaasnimo gudaha dalkan Sweden, kuwaaso isugu jira qaar ujooga in ay basaasaan macluumaadka dalkan Sweden iyo meelaha muhiimka ah ee Sweden ku leedahay dalka dibadiisa, sidaasi waxay ku caday warbixantan ay soo saareen sirdoonku.

Ujeedada dalalkaas gaadhaya shan iyo tobanka dal ay u fuliyaan arrimaha noocan oo kale ah ayaa ah in ay si bila sharci ah u helaan macluumaad la xidhiidha, siyaasada dalkan, dhaqaalaha, teknoolijiyada u gaarka ah Sweden iyo arrimaha la xidhiidha difaaca qaranka Sweden.

Waxa kale oo warbixintan ku cad in ay jiran dawlado ku hawlan in ay iibsadaan shirkadaha wadankan Sweden si ay u helan sirta dalkan iyo macluumaadka isla markaasna saameeyn ku yeeshaan siyaasada dalkan Sweden, gudahana u galaan macluumaadka teknoolajiyada ah.

Sidoo kale waxa jira basaasiin ka socda wadamada sida siiriya oo basaasa qaxootiga degen dalkan Sweden iyo xaaladooda siiba kuwa ka soo horjeeda ama mucaaridka ku ah wadamadaas ay ka soo baqooleen.

Warbixintan ayaa waxa kale oo ku cad in ay jiraan shaqsiyo dhaqaale u ururiya ururada mayalka adag ee aaminsan in xoog iyo isqarxis wax lagu badali karo sida Al-shabaab.

Waxa jira oo kale dad iyaguna u baqoola wadamada argagaxisadu ku alamiitayso, sida Irak, Afghanistan iyo Somalia.

Sannadkii hore ayey ahayd markii wiil Somaliya oo ka tagay dalkan Sweden hanjabaad ka soo diray magaalada Muqdisho ee ku taal Soomaaliya, kaaso ku hadlayey luuqada Swiidhishka isla markaasna ka tirsanaa ururka mayalka adag ee Al-shabaab.

Kasim.abdulkadir@sr.se

Sydsvenskan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".