Arrimaha Socdaalka

Dalka Kuuba iyo sharci jabintooda

Dalka Kuuba ayaa diida in ay wadankooda u ogolaadaan dadyoowga u dhashay isla dalkoodaas, siday sheegayso wasaarada sharciyada, dad badan oo loo diido sharciga qaxootiga ayaa ku xanibma meel dhexe.

Qaxootiga ka yimaada dalka kuuba ayaan dib wadankaas loogu celin karin, taaso sababaysa in ugu danbeynta sharci laga siiyo dalkan Sweden, maadaamo aan lagu celin karin wadankooda hooyo.

Kuuba ayaa jabinaysa sharciga u yaala xuquuqda bina aadmiga.

Kuuba ayaa haysata sharci odhanaya mar haddii u qofku ka maqnaado wadanka in ka badan 11 bilood aan loo ogolaan in u dib ugu soo laabto, taaso ku adkaynaysa laanta socdaalka ee dalkan Sweden in ay u tarxiilaan dadyoowgaas wadankooda hooyo.

SR Intranational.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".