Farqiga Dakhliga oo Malmö ugu Sarreeyso

Farqiga kala duwanaanta dhaqaalaha ayaa aad kor ugu sii kacaya magaalada Malmö, marka loo barbar-dhigo magaalooyinka dalka intooda kale. Tobankiiba saddex ayaa reer Malmö waxey ku sugan yihiin xaalad dhaqaale liita iyada oo lagu miisaamey heerka miisaanka dhaqaale ee ururka Miodwga Yurub, sida ku cad war-bixin uu qoray caalinka Tapio Salonen oo ka howl-gala laanta bulshada ee jaamicadda Malmö, middaasina oo maanta la soo ban-dhigay.

- Dhaqaalaha reeraha ayaa sidii hore ka sii wanaagsanaaday, halka kuwa qaniga ahina uu aad kor ugu sii kacey, hase yeeshee aanu kor u kacahaasi ahayn mid isu dhigma oo dadyowga dhaqaalaha lihi aad uga sara-mareen kuwa danleyda ah. Halka marka Malmö laga hadlayo ay ka sii liidato waddanka intiisa kale.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".