Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Karolinska Universitetssjukhuset Solna

Dhakhtarkii qabay HIV Adis

Sawirle: Jonas Ekströmer / SCANPIX

Dhakhtarka wayn ee Karolinska universitetssjukhuset ee ku yaal degmada Solna ayaa kalsooni buuxda u haysa dhakhtar qaba cudurka dilaaga ah ee Hiv / Adiska, kaaso hore maxkamadi u xukuntay kadib markii u si cad ugu badheedhay in u dumar la galmoodo isagoon isticmaalin waxyabaaha cudurka looga fakato sida Kondoomka.

Dhakhtarkan ayaa hore maxkamadii xukun afar bilood ah ugu riday.

Hadda ayaa xaafiska bulshada ee Socialstyrelsen baadhiitaan ku samaynayaan ninkaasi haddii u yahay mid u qalma in u ka hawl shaqadiisa dhakhtarnimo.

Ann-Britt Bolin Wiechel oo ah madaxa dhakhaatiirta ayaa warqad ay dhakhtarkaas ku taageerayso u qortay hayadaha, taaso ay ku qortay in ay kalsooni buuxda u hayso dhakhtarkan.

- Kalsooni buuxda ayuu dhankayga ka haystaa, xadhigiisii wuu dhamaystay, waanu ka hawl gali kara goobta caafimaadka, kuna hawl gali karaa shaqadiisa dhakhtarnimo, ayey sheegtay Ann-Britt Bolin Wiechel.

Dhakhtarka laftiisa ayaa raba in u ambiil ka qaato xukunkan sheegayna in aanu waligiis samayn wax khatar ah.

TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".